Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

HEESO QORAAL AH KA AQRISO HALKAAN WAXAANA IDINKUGU TALA GALBAY ADINKA KUNA SODHAWAADA GACMO FURAN IYO QALBI KU RAALI GALINAYA

NEWS  KEYSE  MY PICTURES SUGAAN  CIYAARAHA qarandoon faalooyin sheekoyin jeceyl qiso hore ALBUNKEYGA sheeko  DOOKHA WAA CAAJIB GUURKUNA WAA QALI micnaha jeceyl Contact GERAARO Qurba joog heeso qoraal ah HEESO ganacsiga Contact BOOGA RAXADA GUURKA qaranimadii iyo dhibki laga somaray hogamiye koxeed fanka iyo sugaanta abwaan qisada qeys iyo leylo qiso dhab ah 2 xeebta xamar SHEEKO SXBKEY QURAAN KAREEM TARIIQADA SOMALIA TARIQDA NABIYADA TUKASHADA SALAADA TARIIQDA QADDAFI TARIIQADA MADAXWEYNAHA SOMALIA MAXAMED SIYAAD BARE QADKA IYO DHIBATOYINKISA siyaasad muqalas MAHMAAHYO shaqo la anta Somalia TARIIKHDA S.Y.L maahmahyo muqalka dadka iyo dalka somaliya rajada nabada hormarka dowlada ayka gaartay nabada yar dumarka astaabteyda Photo 2

HEESO QORAAL AH KA AQRISO HALKAAN

fadlan wixii talo u sodir ciwanada boga uu ku leeyahay google mahad sanid

GERAAR DAADIS AH 

Na daneysataa tahay
Naceb aan u qaaday
Niyadda kaa jarey
Naxariis kuuma hayo
Nacabka aan kuu qabo
Niyadeydii buu diley
Nabarada caashaqa adigaa dhimay
Nakala daa walaal
Niyad kuuma haayee
Nabad baan kaa rajaynayaa
Niyaddaa kuu diidee
Naf ku neeceb aduunkan
Nolol kuuma quurtee
Na kala daa walaal
Nooc kastood ahaato
Niyaddaa ku diidee
Na kala daa walaal
Nabsi adigaa dalbadey
Neecaawda xanuunka leh

Niyadaada ku samirsii 

HEESO QORAAL AH KA AQRISO HALKAAN

Maansadaan dha’leydaa haddaan qalin ku dheereeyo
balli baan dhextaag nahay murti uma dhibtoonaayo
dhabi hiisaan ku hagayaa dhinac anoon seegin
ka dhirqo maantiyo bariba waa la dhurayaaye
balaan dheeman teeydii u diro gabaygu waa dhaare

ma ogtahay dhanbaal jaceyl dhaxal gal weeyaane
dhabtiyo wuu kaaga turjumi dhiiga socod kiisa
adna jeeraad soo dhawaato farxadi weyga dheertahaye
hawada dhexdeeniyo iga gudoon salaan araxda soo dhaaftey

caashaquna kalsooni kuma dhammiyo dhiiri gelin toona
ha yeeshee marbuu dheeliya aqalkaan dhigaha loo aasin
adna Dhooleey fogaatayoo xaalku wuu dhanaan yahaye
axdigii ma dhowrtoo matahay taan u dhimanaayey?
dhuuxoo dhaqsi uga jawaab waan dhibtoo nahaye
aley lehe dhirbaaxada jaceyl waan la dheygagaye
dhararti aad dhofta dhinbilo leyla dhacay fiidki
saqdii dhexe sidii dhalan wanigii dhelalow kacaye
kama bogto dhuunigoo biyihi waanka dhowr sadaye
dhabihii aad qaadan inanyahey sii dhugtaa waliye

dheeraa bishan waxaan u dhigo sooba dhufan waaye
cashara daadan iga dhaqmeyn dhimasho mooyane
xusuus tadana kama dhowr sado waandhex tagnahaye
hayga dheeran markale yaan wadnuhu isoo dhicine
cidlo haygu dhafine qalbiga ii dhawee manta.

jaceel baa isumeeyoo laygu soo salidayoo sinta iyo lafaha oo idli oogaduu ku faafoo s aldhig waxuu kuleeyhay sableyda feeraha saqda dhexe habeenkii saari kuma gamaayee soo socodka maan arag isma oran salaano saan qaadi waaye sina ugama hari sanbabadaee ku taalaa waxna kuma samee karo yarta waxee la socotaa sxbkeey lilaahi
soomaaliweynee sideen baan wax yeelaa soo jeedka naasaha sii jeedka laafyaha tinta s agal lamoodiyo suniyaasha yaab kaleh suuradeeda quruxda leh la sarqaamay aniguyewaa sadaal la yaabl eh naftu samirku diiday soo socdka maan arag isma oran suaaloo saan qadi waayee sina uga ma hari haro sanbabada ku taala wajigana ma siin karo yarta waxee la soctaa sxbkeey lilaahiya soomaali oweynee sideen baan waxyeelaa

Insert Another Sub Header Here

Gabaygan oo soo baxay taariikhdu markay ahayd 25.9.2004 waxa uu u ku saabsan yahay gabadh Soomaaliyeed oo qurbaha [wadanka uu joogo ] ku duruufaysnayd oo la yidhaahdo Faadumo. waxa uu abwaanku ku waaninayaa inantaas in ay u samirto duruufta una dhabar-adaygto waayaha ka helay qurbaha:-


Dhibaatada aduunyadu faadumooy, waa dhinbiil shidane 
Ma dhammaato oo maalmaba, dadbay dhaawacdaa badane 
Dharraar waa ku saaciday wax jira, dhaaxa duul qadaye

Marba dhinac qaboobiyo wax jira, dheeg abaarsadaye 
Dhereg qaar la seexdiyo wax jira, baahi duul dhcaye 
Dhaxan iyo kulayl baa is xiga ,laba dharaaroode

Dhunkaal iyo macaan buu nafluhu, wiigba qaar dhamiye 
Meelna kuma dhamaato e nimcadu, waa habeen dhixise 
Waa laysku dhawraa waqtigu, qaar lamuu dhalane 
Sidan dhigana qalmaantaa u dhigan, kalana dhaadheere

Dhito maalka jeer baad danbarin,dhiil macaansi lehe 
Dhawaan baad wanaagiyo aftixi, dhool barwaaqo ahe 
Ifka dhabar adayg oo u samir, dheefta waad heliye

Dhafoor kaagu shalay way waramay,dhiifta kugu tiile 
Jidhkii bay dhaqaaqoo anfacu, ii dhadhami waaye 
Dhiilada duruuftiyo dhacdadan, nolosha kuu dhaafsan 
Lamaad dhalane waayahan marbaad, dhaafi qiiqa lehe 
Waana qaar dhamaadoo sidii, dhoobo soo gudhiye

Dhito maalka jeer baad danbarin,dhiil macaansi lehe 
Dhawaan baad wanaagiyo aftixi, dhool barwaaqo ahe 
Ifka dhabar adayg oo u samir, dheefta waad heliye

Afartaa dhameeyaye waxaan, dhinac ka raacsiiyay 
Inta dhawrsan ee cabsida illaah, dhaxashay mooyaane 
Dhulka aayar mariwaa adoon, dhiil u buuxsamaye 
Wuxuse soo dhudhumiyaba nabsiga, dhoodi ways heliye

Doqon dheregtay fadumooy, intay dhaanto waw cadawe 
Dhalashiyo xigaal iyo dadnimo,dhawrsashiyo diinta 
Dhana kuma hagaagsana qof xumi,dhaadasho iyo hiile

Ciday dhaxal wadaagaan tolnimo, amase dhiigeed leh 
Dhib marbay u qooshtaa sidii, dhidar sumaysaaye 
Dhegna malaha caadana ka dheer, dhaqana waa wayde

Dhito maalka jeer baad danbarin,dhiil macaansi lehe 
Dhawaan baad wanaagiyo aftixi, dhool barwaaqo ahe 
Ifka dhabar adayg oo u samir, dheefta waad heliye

Yaanu gabaygu dheeraane hadaan, ararta soo dhaabo 
Qofkaan xoog u dhaad nayn iblays, waa dhufsanayaaye 
Waanadoo dhamays tiran hadaan,kuugu dhigo xaashad 
I dhegayso oo qoro murtidan, waa dhanbaal culuse

Kitaabada dhexdoodiyo siday, dhigayaan aayaadku 
Dhamidoodba geerida nafluhu, way dhadhamiyaane 
Nafna loo dibdhigi waa cimrigu,malaha dheeraade 
Lama dhaafoo dharaarbaad hedoo, dhaarsan kulantaane

Dhadhan kale iyo ruuxnaba ma helo, dhuuni saayida e 
Qofkastoo dhamaystaa qabriga, waa dhex gelayaaye 
Markuu dhinaca iilkiisa dhigee, dhoobo lagu awdo

Ruuxba wuxu dhitaystiyo wuxuu, siidhigtuu heliye 
Dhaqankaaga hooyiyo xaqaa, lagu dhaxlaa guule 
Ku dheeroow caqiidad si fudud, hawga dheeliyine.


Dhamaad.



SOOMAALIYEEY IS GARRO
Isa seega iyo sokeeyaa colka ah
Kuwa silica iyo saymaha ku dhigay
Siyaasiga qariban janan saaqidiyo
Odayada siloon wada saancadaha
Laga tiray sariig gidigood saldano
Xukun lagu sirxaday een samahaaga wadin
Sawdkood adaa sacabka u tumoo
Weligaa sareey ku salaamayee
Soomaalaay is garo.

Qori suu, ah iyo sumuc iyo rasaas 
Saaruukh wax dila aakaha sidii suudh lagu dhacee
Laga simay dadkii samaydaa dabkee 
Subax iyo aleyl lala soogan yahay
Nabadii salfaday sabadaadi gubey
Seedaha ku jaray adiguu garbaha kuu sudhan yahoo
Idilkaa sitee Soomaalaay is garo.

Duqay socod gabiyo sirqadii habraha
Saqiirkii ilmaha waxa sebi la dilay
Laga jaray surkii maydkaa suryada
Surinkaad martaba waxa suuqa wadhan
Inta silica iyo saxariir ku nool
Wada soomanee soor laga xarimay
Sarar feedhihiyo sibrihii goteen
Nolol aan sugayn adigaa soshee
Soomaalaay is garo.

Saafida haween laga dhigy sukaha
Weer saaran yahay sey iyo walaal
Inankeedi sulub sadexduba dhinteen
Marwo saalix qabey inan saahidiyo
Sara joog wanaag suleekhadii hablaha 
Rabigay sifaha qurux tuu ku simay
Sanku neefle arag adaa sawjad dumar
Sumcadeed diloo ficil laga siqsiqo
Adaa suubiyee Soomaalaay is garo.

Sulux kii wadiyo sama doonadii
Nin saciim ah iyo saajicii halyey
Saciidkii bulshada saacidi lahaa 
Sancadiyo cilmiga kii soo bartee 
Sahan tegi lahaa shiikh selefiyiyo
Kuwa diinta sida suubane rasuul
Sunihii dacwad sawdkeeda wadey
Adaa sulubka iyo birta saarayoon
Ka sariiganiine Soomaalaay is garo.

Salka laga kiciyo qaxootiga sun sumay
Suraaf sideed socotada war moog
Sahan li, Ku baxay ku surmiyey qurbaha
Sacab hoorsigiyo sadaqada ku nool
Laga siibay sharaf da, yar laga samroo
Soo noqod lahayn kala soocankiyo
Saranseerka dhacay adaa sababsadee
Soomaalaay isgaro.

Salaw waa dhacaa saxal iyo mariikh
Sabo wada degiyo ximre soogan baa
Subax kugu habsada kii lagu saliday
Sifo looga baxo sebenada danbuu saadaaliyaa
Waabay sun iyo sunbe ruux cabaa
Sakaraatul mawd hurda seexad iyo
Soo jeed ka dheer mana sara fadhiyo 
Soortana ma cunee Soomaalaay is garo.

Suugaanta guud waxaan uga socdaa
Saymaha la galay waxa dhacy silsaal
Hadaynaan samaan niyad saafiyiyo
Nabad lagu salayn sawdkeen midayn
Saatir laga cabsoo khaladada la sixin
Saaxiib dadoo safar noogu yimi
Oo saacido wadaa waa sacabka oo
Sayn lagu arkee Soomaalaay is garo 

BY KEYSE ABSHIR CIISE  

Dayaxa iyo Cadceediyo
Deegaan Lamoodyeey
Malablagu durduurtiyo
Dahabkoo iftiimaay

Daawashada ku wacaneey
Damac Bey iga kaa galay,
Damac baa iga kaa galay,

Waxaa iga dardaarana
oon kaaga digayaa,
dadku yuu isku keyn dirin
Dab dhaxdeena laga shidin,
dab dhaxdeena laga shidin,

Hadeey hadal darisaan
dibnahaaga ha u celin
hadey kula dagaalaan
u dulqaado waligaa,

Dusha Hadalka kaga tuur
iyagaa dareemiye,

Waxaad ogaataa
inaan adi ku doortoo
Dadka kaaga soocdoo
dumarna kuugu jecelahay

Dadka waxaad u digataa
markaan kuu dadaaloo,
Ubad daadaheeysee

Hooyoy la’aantaa
Adduunyadu hubaashii
Habeen kama baxdeenoo
Iftiin lama heleenoo

Dadku uma hayaameen
Xiddig hawd ka lulatiyo
Sida haad ma fuuleen
Dayax heego joogo
Hubka laguma tureen
Hawo laguma gaadheen
Cirka hirar ka muuqdoo
Hooyoy addoomuhu 
Halkay maanta joogaan
Adigow horseedoo
Intaad hanad xambaartee
Haaneedka siisee
Horaaddada jaqsiisee
Habtay baan xisaab iyo
Tiro lagu helayn,

Marka aad nin hiilloo
Laga baqo hashiisiyo
Halyey diran dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.

Marka aad nin hoo-loo
Gurigiisa habaqluhu 
Isku soo halleeyoo
Hayntiisa quudhoo
Hor ilaahay geystiyo
Lama hure dhashaa baa
Hooyoy lagu xasuustaa.

Marka aad nin himilada
Hilin toosan mariyoo
Hir markii la gaadhaba
Ku labaad hilaadshoo
Haga maatadiisoo
La higsado dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.

Marka aad nin hooggiyo
Ka hor taga dagaalkoo
Garta hubin yaqaanoo
Xaqa hoos u eegoo
Halistiyo colaadaha
Dabka hura bakhtiiyoo
Ku hagoogta dhiiggoo
Dadka kala hagaajoo
Kala haga dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.

Markaad hoobal caanoo
Hindisaha farshaxanoo
Hab-dhaca iyo luuqdiyo
Hawraarta maansada
Heensayn yaqaanoo
Rabbi hibo u siiyoo
Labadaba hannaanshiyo
Hal-abuur dhasha baa
Hooyo lagu xasuustaa.

Dumar iyo haween baa
Nolol lagu haweystaa
Kuwa lagu hammiyayee
Sida hawd caleen wayn
Rag u wada hamuumee
Ishu halacsanaysaa
Hablahaaga weeyee
Marka guur la haybshee
Gabadh heego dheeroo
Hoobaan la moodoo
Karti iyo hub-qaadloo
Quruxdana ka hodaniyo
Hira laga aroostaa
Hooyo lagu xasuustaa.


Hooyoy la’aantaa
Higgaad lama barteenoo
Hooyoy la’aantaa
Hadal lama kareenoo
Ruuxaanad habinoo
Kolba aanad hees iyo 
Hoobey ku sabinoo 
Hawshaada waayaa
Hanaqaadi maayee
Hoygii kalgacalkee
Naxariistu hadataay

Hooyoy dushaadaa
Nabad lagu helaayoo
Hooyoy dhabtaadaaa
Hurdo lagu gam’aayoo
Hooyoy taftaada 
Dugsi laga helaayoo
Waxa lagu hal-maalaa 
Hooyo ababintaadee
Hayin lagu badhaadhaay
Hogol lagu qaboobaay
Gogol lama huraaneey
Dugsigii hufnaantaay
Hidde lagu arooraay.

Intaad hooyo nooshahay
Hambalyiyo salaan baan
Hanti kaaga dhigayaa
Hamrashiyo xaq-dhowr baan
Dusha kaa huwinayaa,
Hooyo dhimashadaaduna
Hooggayga weeyoo
Hiyiga iyo laabtaan
Kugu haynayaayoo
Weligey hoggaagaan 
Ka dul heesayaayoo
Hengel baan u xidhayaa
Inta haadka duushiyo
Idil habar dugaaggee
Ifka hibo ku noolow
Aakhiro halkii roon.


Heestan Hooyo waxa ay tilmaamaysaa intan oo nin rag ah iyo inteer oo marwo dumar ah oo hooyo dihatey; dhashay oo dhabarka saartay; habtay oo haaneedka jaqsiisay; u soo heestay oo ay soo koolkoolisey; soo barbaarisay, bulshadana ay iyadu dhex keentay. Haddaba saddex nin oo ay maansadu ka faalloonayso, ayaa lagu tilmaami karaa arrin ay maansadani gaar isaga leedahay oo ay ka sheegan karto kulmintooda maanso kale oo kastaba. Saddexda nin kan hore waa Lama-hure oo ah nin aan laga maarmi karin; waa deeqsiga la isku soo halleeyo gurigiisa iyo maalkiisa ee martida u looga, hor Alle wax u baxsada, qofka baahanna diihaalka gaajada ka reeba. Ninka labaad waa La -higsade Waa nin wax hubin yaqaan, wax oddorosi kara oo hillaadinta iyo hagista ku xeel-dheer, waana hoggaamiye daacad ah oo lagu daydo talaabo kasta oo uu qaado, loona aayo taladiisa iyo hoggaamintiisaba. Ninka kale ee saddexaadna waa Kala-hage; xilliga colaadda waa geesi halyey ah oo aan gabbashada aqoon, marna waa nabad-doon garyaqaan ah oo dadka kala hagaaja oo kala gura, xaqana hoos u daya oo aan dhinac u xeebashada iyo eex u suxul-duubka aqoon.

Beri Samaad Waa Badnaa

 

 

 

 

 

Haduu beerku qaybsamo  

Badh baan adi ku siin laa

Haduu beerku qaybsamo

Wadnahayga bidixdana    

Waan kuu bedeli laa 
Kaagana waan la bixilaa 
Waa booli dhiiguye 
Kaalamaan bakhayleen 
Nafta laba bahood noqon 
Badhkaagaan ku siin laa 
Biyo haddaad cabaysona 
Bisinkaan ku dari laa 
Bedenkaago faatoxo 
Bohod baan uga dhigi laa 
Illaah waxan baryaayaa 
Aduunyada badhaadhiyo 
Barkhad inaad ku waartoo 
Aakhirana bishaariyo jamada

 
QORAA SARE KEYSE ABSHIR CIISE